SlideShare ist ein Scribd-Unternehmen logo
1 von 7
Downloaden Sie, um offline zu lesen
Wax ka baro xanuunka Joonis Cadka
Todobadkan waxa aynu ku qaadaa dhigaynaa waxna uga baran doona xanuunka joonis cadka ee
loo yooqano afka qalaad Hepatitis B waxaynu u diyaarinay mawduucan hab ah su’aalo iyo
jawaabo balaadhan si aad wax badan uga ogaataan xanuunkan oo ah Dhibe qarsoon oo
wakhtiyadan dambe bulshadeena faro baas ku haya ,sababayna dhimasho.
Hordhac
Xanuunka Hepatitis B waxa ay soomaalidu u taqaan joonis cad ama cagaarshaw waa nooc ka
mid ah 5 ta nooc ee ugu caansan xannuunada ku dhaca beerka ee loo yaqaano joniska waxana
daah furay sannad-kii 1965 saynis-yahan la odhan jirey Baruch Blumberg oo ka tirsana
machadka National Institutes of Health. Jooniskani waxa sababa nooca jeermiska ee loo
yaqaano hepadna virus waana (double-stranded DNA genome ) ama laba gale hidda sidihiisu
yahay DNA cabirkiisa waxa lagu qiyaasa 42-nm .
Waxa uu yeesha joonis cadku ilaa sideed nooc oo hidde sidayaal (genotypes) loo yaqaano ama
lagu calaamadsado A-H HBV.
caabuqu xanuunkani waxa uu qofku hayaa mudo 6 bilood ka badan sidoo kale waxa uu yeelan
karaa mid waqti gaban ku jira jidhkiisa oo saf mar ah (ACUTE) ama mid waqti dheer laga heli
karo jidhkiisa (CHRONIC) sidoo kale wuxuu noqon karaa mid saamayn xun ku yeesha beerka
(fulminant ) sababina kara inuu noqdo beerku mid dhintay ugu dambayna isku bedela cancer ku
dhaca beerka.
Qiyaas Intee Leeg Buu Xanuunku Saameeyey Dunida Imisaa Se Sanadkii U Dhinta ?
Sida ay sheegayso warbixinaha sanadlaha ah ee ay soo saarto haayada caafimadka adduunka ee
WHO waxa lagu qiyaasa dadka qaba caabuqa xanuunka jooniska noociisa loo yaqaano B ee
saameya beerka aadamaha inay gaadhaan 240 milyan oo qof oo ku kala nool daafaha dunida.
Sidoo kale Sanad kasta waxa u dhinta dad ka badan 780.000 oo qof cabuqa beerka kasoo
gaadha ee xanuunka joonis cadka iyago u dhinta beerka oo ka yaraada intii lagu yaqaanay ee
caadiga ahayd ama uu haleelo cancerka beerka ku dhacaa ee uu sababo xanuunkani .
Wadamada uu waxyeelada badan ku hayo xnuunkani waxa ka mid ah wadamada ka hooseeya
saharaha Afica taas oo 5----10% ay qabaan dadka qaangaadhka ahi sida ay sheegtay haayada
cafimaadka adduunku.
Sidee Ayuu Ku Gudbaa Xanuunkani
Jeermis sidaha joonis cadku waxa uu ugu kala gudbaa bulshada marka dheecanka ama dhiiga qof
qaba xanuunka joonis cadku uu soo gaadho dheecanka qofka cafimaadka qaba ,
jeermis sidaha dhaliya xanuunkani waxa uu muddo todoba cisho ah ku noolaan karaa beerka
aadamaha halkaasi oo uu ku bato kuna tarmo kadibna sababo xanuunka.
Sidoo kale xanuunkani waxa gudbin karta hooyada uurka leh ee qabta xanuunka marka ay ku
jirto wakhtiga dhalmada , geesta kale iyana waxa jira siyaabo kale oo la tilmaamo inuu ku gudbo
xanuunku se aan weli la xaqiijin.
Xanuunkani waxa uu kaga soo if baxaa ama kaga muuqda qofka uu haleelo muddo dhan 75
cisho ,celcelis ahaana waxa uu qofka kaga muuqan karaa ama lagu arki karaa mudo dhan 30 ilaa
180 cisho
Astaamaha Lagu Garto Xanuunka
Indhaha iyo maqaarka sarre ee jidhka
oo isku bedela midab hurdi ah loona yaqaano Jaundice oo ah halka xanuunku magaca ka soo
qaatay
Kaadi madaw
daal badan
matag yalaalugu
iyo moxoga oo xanuuna
waxa is weydiin leh yaa halis ugu jira inuu haleelo xanuunkani
 carrurta da’doodu ka yar tahay lixda sano
 dadka difaacoodu hooseyo ama qaba xanuunada hoos u dhiga difaca jidhka
 qaadashada dawooyinka qaar kuwaas oo waxyeelo soo gaadhsiiya beerka
 qof kasta oo sameeya galmo aan sharci ahayn cafimadkeedana aan la hubin
Sidee Loo Baadha Xanuunka Joonis Cadka ?
Si loo ogaado qofka uu haleelo xanuunkani waxa
uu dhakhtarku la yeesha wareysiyo iyo eegida muqaalka jidhkiisa isagoo baadhis iyo taabashaba
ku samaynaya ka dib si uu u xaqiijiyo doctor nooca xanuunka waxa uu adeegsada shaybaadho
ama Screening Test waxaana la baadha dhiiga qofka iyadoo la baadho HBsAg. Iyo baadhis
lagu sameeyo (Immunoglobulin’s) qofka looga shakiyo xanuunkan waxana soo baxda natiijada
Xanuunka Joonis Cadka
Sidee Loo Daweeya Xanuunkan ?
inta la ogsoon yahay xanuunkan weli looma
helin dawooyin sax ah oo lagu daweeyo se waxa loo isticmaala talaalo ka hortaga oo la
hirgeliyey sanadii 1982 iyo dawooyin taageerayaal ah oo ay ka mid yihiin Alpha Interferon iyo
kuwa la dagaalama Virus yada sida Zidovodine iyo Limovodine dhamaan dawooyinkani waa
kabayaal se maaha xanuun daweeyayaal caabuqa joonis cadka ah ,hadaba waxa muhiim ah si
loo faafiyo loogana hortago dhibta caafimaad darro ee xanuunkani sababi karo haddii uu
bulshada dhexdeeda ku faafo in bulshadu ku baraarugsanaato oo ay garato siyaabaha uu u faafo
xanuunku ka dibna laga dhawrsoonado iyadoo siyabaha uu ku gudbi karo xanuunka waxa ka mid
yihiin :-
dhiiga amaba dareeraha jidka qofka qaba hadduu kusoo gaadho isago kugu soo gaadhi kara
hababkan ay ka mid ka yihiin :-
1- Haddi wax fiiqan oo dhiig qaadi kara uu muday qofkii bukay adna ku mudo.
2- Haddii lagugu shubo dhiig qof qaba.
3- Galmo, haddiiba gabadha amaba ninku midkood qabo ka kalana waa qaadaya.
4- Hooyo way u gud binaysaa ilmaheeda xiliga uurka.
Hadaba marka aynu isla garano siyaabaha uu ku gudbayo inagoo ku jirna weli sidii looga
gashaman lahaa ama looga hortagi lahaa xanuunkan waa inaynu yeelanaa qorshe cad oo dawlad
ahaan aynu leenahay inagoo raacayna xeerarka calamiga ah ee ka hortaga xanuunkan
Si aynu u yareyno faafida xanuunkan waa inaynu helnaa :-
1. Waa in la sameyo wacyigelin balaadhan oo ku saabsan xanuunka waxa uu yahay
,dhibaatadiisa iyo sida looga gashaman karo
2. Waa in Dadka lagula taliyo laguna dhiiri galiyo in ay iska baadhaan gaar ahaan
• Xiliga guurka. • Xiliga hooyadu uurka leedahay.
3. sidoo kale bulshada noocyadeeda kala duwan loogu baaqo faaidada talalka iyo ka hor taga
xanuunka
4.Waa in qof kasta ka digtoonada isku tag aan sharciga ahayn sida galmada xaaraanta ah iyo in
lagu shubo dhiig aan la baadhin noocuu doono ha ahaade
Marka aynu intaas isla garano ogaanana waxa xanuunku yahay sida loo kala qaado ama looga
hortagaba aynu isla eegno ma jiraa wax tirakoob sax ah oo Somaliland laga sameeyey heerka uu
marayo xanuunkani bal aynu eegno xogtan yare ee Dr. Zeynep Muuse Jama ka samaysay dhiig
bixiyayaashii lagu baadhay qaar ka mid ah casimadaha gobolada dalka Somaliland
Somaliland
Inkasto aan tirakoob sax ah ama xog dhab ah aan laga hayn Somaliland ayaa hadana haddii aad
tahay hawl wadeen caafimaad joogana Hospital waxad dareemi kartaa in dad badan xanuunkani
uu hayo, taaso ah ta nagu kaliftay inaanu raadino meel aanu xog saxa ka heli karno
Xogta keliya ee suuro gal noqotay inaanu helno heerka xanuunka ee dalkeena waxay noqotay
WHO blood safety monthly report 2013 ee cusbitalada guud ee Somaliland .
War bixintaa oo u qornayd bil bil ayaan isku geeyay gobal kastaa sanadkaa intii qof ee la badhay
guud ahaan iyo intii laga helay xanuunka, dadka la baadhay waxay wada ahaayeen dhamaan rag
maadama inta u badan bulshada Somaliland cida dhiig bixisaa tahay Rag da’doodu waxay u
dhaxaysay 18-65
Sawirkan helayna waxaa uu noqday kan hoos ku xusan iyada aan 100% la isku halayn Karin in
ay sax tahay xog ururintani lakiin waxay iftimin kartaa dadkii dhiiga shuubayay ee la baadhay
guud ahaan tiradooda iyo inta xanuunka laga helay sanadkii 2013 somaliland cusbitalada Guud :-
Hargeisa waxaa la baadhay 2416 qof waxaan xanuunka laga helay 75 qof taas oo haddii
la raaco noqonaysaa 100 qof ee la badhayba 3.1% ayaa qabay xanuunka.
Berbera waxa la baadhay 392 waxana laga helay xanuunka 13 taas oo ah micnaheedu 100
qofba 3.3% ayaa laga helay xanuunka dadkii la baadhay .
oo ah magalada ugu badan dadka xanuunka laga helay intii dad la baadhay ayayBurco
aba laga helayy 2391 , waxa positive noqday amla baadhawaxaguud ahaanduahayd tira
ayaa xanuunka qabay.6%ee la baadhay baqof100ay tahaytaas oo macnaheedu145
Borama waxa la baadhay 768 qof waxaa laga helay xanuunka 45 qof , dadkii la badhay
100 qof ba waxa xanuunaka qabay 5.8% .
Ceerigaabo waxa la baadhay 333 waxana laga helay 10 qof , oo ah 100 qof ee la
baadhayba 3% baa qaba .
Laascood oo ah magalaada dadka la baadhay ugu yar yihiin 74 qof oo kaliya sanadkaa
ayaa dadka laga helay ahaayeen 4 qof . taas oo u dhiganta 5.4% ay qabaan xanuunka
dadkii la baadhay.
Sidii aan hore u soo tilmaamay inkasta oo anay sawir saxa ah warbixintani ka siinayn heerka
magalo kasta uu gaadhsiisan yahay xanuunku hadana waxay ku horseedaysaa inaad is waydiiso
su’aalo badan oo ta ugu mihiimsani tahay :
1- haddiiba u maarayo xanuunka heerka dadkii muqaal ahaan u muuqday in ay yihiin dad
cafimaad qaba, talow tiro intee leeg ayaa xanuunku haya iyago wax calaamada ah lahayn.?
2- Sida ay ina tusayso xog ururintani Burco ayaa ah magalada uu ugu badan yahay xanuunkan
dadka qaba ee la badhay markay dhiiga shubayeen taas micnaheedu ma waxa weeyaan in dadka
xanuunku hayaa ay burco ugu badan tahay?
3- Haddi ay tahay jawaabtu haa waa maxay sababta burco ay ugu badan tahay xanuunkani ?
Fiiro Gaar ah : Tirakoobkani waa mid laga sameeyey dadyowga dhiig bixiyayaasha ah ee ay
baadhista dhiig bixinta ka horeysa ay u sameyen bangiyada dhiiga ee dalka intii laga helay
xanuunka joonis cadka
Diyaarintii Dr. Mohamed Shucayb Ahmed
Tixraac
WHO hepatitis B guidline safety
Kumar and Clark internal medicine
Davidson
Iyo qoraalka u muhiimsan warbixintan ee ay diyaarisay Dr Zeynep Musse Jama

Weitere ähnliche Inhalte

Was ist angesagt?

Hepatite a, b e c
Hepatite a, b e cHepatite a, b e c
Hepatite a, b e c
gabih_c
 
Slides do trabalho vida sem aids
Slides do trabalho vida sem aidsSlides do trabalho vida sem aids
Slides do trabalho vida sem aids
Denize Cantalice
 

Was ist angesagt? (20)

Apresentação Febre amarela
Apresentação Febre amarelaApresentação Febre amarela
Apresentação Febre amarela
 
Rokotukset ovat lapsen oikeus
Rokotukset ovat lapsen oikeusRokotukset ovat lapsen oikeus
Rokotukset ovat lapsen oikeus
 
Hur skyddar vaccination individen
Hur skyddar vaccination individenHur skyddar vaccination individen
Hur skyddar vaccination individen
 
Hepatite a, b e c
Hepatite a, b e cHepatite a, b e c
Hepatite a, b e c
 
7- HIV e aids.pptx
7- HIV e aids.pptx7- HIV e aids.pptx
7- HIV e aids.pptx
 
Sida by maroun ghazal
Sida by maroun ghazalSida by maroun ghazal
Sida by maroun ghazal
 
Jaykkakouristussuoja voimassa matkallakin
Jaykkakouristussuoja voimassa matkallakinJaykkakouristussuoja voimassa matkallakin
Jaykkakouristussuoja voimassa matkallakin
 
Hiv
HivHiv
Hiv
 
Slides do trabalho vida sem aids
Slides do trabalho vida sem aidsSlides do trabalho vida sem aids
Slides do trabalho vida sem aids
 
Apresentação aids
Apresentação aidsApresentação aids
Apresentação aids
 
Poliomelitis
PoliomelitisPoliomelitis
Poliomelitis
 
monkeypox- amended 2.pptx
monkeypox- amended 2.pptxmonkeypox- amended 2.pptx
monkeypox- amended 2.pptx
 
Hepatite b
Hepatite bHepatite b
Hepatite b
 
1. Rotavirus and Noravirus
1. Rotavirus and Noravirus1. Rotavirus and Noravirus
1. Rotavirus and Noravirus
 
Computer virus
Computer virusComputer virus
Computer virus
 
COVID-19
COVID-19 COVID-19
COVID-19
 
Tuberculose
TuberculoseTuberculose
Tuberculose
 
COVID-19 variants and vaccines
COVID-19 variants and vaccinesCOVID-19 variants and vaccines
COVID-19 variants and vaccines
 
Hpv rokotukset suojaavat monilta eri syovilta
Hpv rokotukset suojaavat monilta eri syoviltaHpv rokotukset suojaavat monilta eri syovilta
Hpv rokotukset suojaavat monilta eri syovilta
 
Computer virus
Computer virusComputer virus
Computer virus
 

Andere mochten auch

Group 1--Shauntel, Ditra, Aaron, Jack
Group 1--Shauntel, Ditra, Aaron, JackGroup 1--Shauntel, Ditra, Aaron, Jack
Group 1--Shauntel, Ditra, Aaron, Jack
Ditra Comer
 
Look book LATHBRIDGE Women's SS16
Look book LATHBRIDGE Women's SS16Look book LATHBRIDGE Women's SS16
Look book LATHBRIDGE Women's SS16
Patrick Cox
 

Andere mochten auch (13)

Group 1--Shauntel, Ditra, Aaron, Jack
Group 1--Shauntel, Ditra, Aaron, JackGroup 1--Shauntel, Ditra, Aaron, Jack
Group 1--Shauntel, Ditra, Aaron, Jack
 
Navidad
NavidadNavidad
Navidad
 
Look book LATHBRIDGE Women's SS16
Look book LATHBRIDGE Women's SS16Look book LATHBRIDGE Women's SS16
Look book LATHBRIDGE Women's SS16
 
Melnikova e v_120
Melnikova e v_120Melnikova e v_120
Melnikova e v_120
 
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
Waa maxay Xiiqdu ( Asthma)
 
Waa maxay-gastaridu
Waa maxay-gastariduWaa maxay-gastaridu
Waa maxay-gastaridu
 
Itroducing to internet
Itroducing to internetItroducing to internet
Itroducing to internet
 
Xanuunka Dhiig karka
Xanuunka Dhiig karka Xanuunka Dhiig karka
Xanuunka Dhiig karka
 
Репутация политического деятеля.
Репутация политического деятеля.Репутация политического деятеля.
Репутация политического деятеля.
 
직장인의 13가지 대죄
직장인의 13가지 대죄직장인의 13가지 대죄
직장인의 13가지 대죄
 
Manual de Procesos Constructivos
Manual de Procesos ConstructivosManual de Procesos Constructivos
Manual de Procesos Constructivos
 
Введение в интернет вещей
Введение в интернет вещейВведение в интернет вещей
Введение в интернет вещей
 
Facebook to Futurebook in 10 years
Facebook to Futurebook in 10 yearsFacebook to Futurebook in 10 years
Facebook to Futurebook in 10 years
 

Joonis Cadka ( Cagaarshaw)

  • 1. Wax ka baro xanuunka Joonis Cadka Todobadkan waxa aynu ku qaadaa dhigaynaa waxna uga baran doona xanuunka joonis cadka ee loo yooqano afka qalaad Hepatitis B waxaynu u diyaarinay mawduucan hab ah su’aalo iyo jawaabo balaadhan si aad wax badan uga ogaataan xanuunkan oo ah Dhibe qarsoon oo wakhtiyadan dambe bulshadeena faro baas ku haya ,sababayna dhimasho. Hordhac Xanuunka Hepatitis B waxa ay soomaalidu u taqaan joonis cad ama cagaarshaw waa nooc ka mid ah 5 ta nooc ee ugu caansan xannuunada ku dhaca beerka ee loo yaqaano joniska waxana daah furay sannad-kii 1965 saynis-yahan la odhan jirey Baruch Blumberg oo ka tirsana machadka National Institutes of Health. Jooniskani waxa sababa nooca jeermiska ee loo yaqaano hepadna virus waana (double-stranded DNA genome ) ama laba gale hidda sidihiisu yahay DNA cabirkiisa waxa lagu qiyaasa 42-nm . Waxa uu yeesha joonis cadku ilaa sideed nooc oo hidde sidayaal (genotypes) loo yaqaano ama lagu calaamadsado A-H HBV.
  • 2. caabuqu xanuunkani waxa uu qofku hayaa mudo 6 bilood ka badan sidoo kale waxa uu yeelan karaa mid waqti gaban ku jira jidhkiisa oo saf mar ah (ACUTE) ama mid waqti dheer laga heli karo jidhkiisa (CHRONIC) sidoo kale wuxuu noqon karaa mid saamayn xun ku yeesha beerka (fulminant ) sababina kara inuu noqdo beerku mid dhintay ugu dambayna isku bedela cancer ku dhaca beerka. Qiyaas Intee Leeg Buu Xanuunku Saameeyey Dunida Imisaa Se Sanadkii U Dhinta ? Sida ay sheegayso warbixinaha sanadlaha ah ee ay soo saarto haayada caafimadka adduunka ee WHO waxa lagu qiyaasa dadka qaba caabuqa xanuunka jooniska noociisa loo yaqaano B ee saameya beerka aadamaha inay gaadhaan 240 milyan oo qof oo ku kala nool daafaha dunida. Sidoo kale Sanad kasta waxa u dhinta dad ka badan 780.000 oo qof cabuqa beerka kasoo gaadha ee xanuunka joonis cadka iyago u dhinta beerka oo ka yaraada intii lagu yaqaanay ee caadiga ahayd ama uu haleelo cancerka beerka ku dhacaa ee uu sababo xanuunkani . Wadamada uu waxyeelada badan ku hayo xnuunkani waxa ka mid ah wadamada ka hooseeya saharaha Afica taas oo 5----10% ay qabaan dadka qaangaadhka ahi sida ay sheegtay haayada cafimaadka adduunku. Sidee Ayuu Ku Gudbaa Xanuunkani Jeermis sidaha joonis cadku waxa uu ugu kala gudbaa bulshada marka dheecanka ama dhiiga qof qaba xanuunka joonis cadku uu soo gaadho dheecanka qofka cafimaadka qaba ,
  • 3. jeermis sidaha dhaliya xanuunkani waxa uu muddo todoba cisho ah ku noolaan karaa beerka aadamaha halkaasi oo uu ku bato kuna tarmo kadibna sababo xanuunka. Sidoo kale xanuunkani waxa gudbin karta hooyada uurka leh ee qabta xanuunka marka ay ku jirto wakhtiga dhalmada , geesta kale iyana waxa jira siyaabo kale oo la tilmaamo inuu ku gudbo xanuunku se aan weli la xaqiijin. Xanuunkani waxa uu kaga soo if baxaa ama kaga muuqda qofka uu haleelo muddo dhan 75 cisho ,celcelis ahaana waxa uu qofka kaga muuqan karaa ama lagu arki karaa mudo dhan 30 ilaa 180 cisho Astaamaha Lagu Garto Xanuunka Indhaha iyo maqaarka sarre ee jidhka oo isku bedela midab hurdi ah loona yaqaano Jaundice oo ah halka xanuunku magaca ka soo qaatay Kaadi madaw daal badan matag yalaalugu iyo moxoga oo xanuuna waxa is weydiin leh yaa halis ugu jira inuu haleelo xanuunkani  carrurta da’doodu ka yar tahay lixda sano  dadka difaacoodu hooseyo ama qaba xanuunada hoos u dhiga difaca jidhka  qaadashada dawooyinka qaar kuwaas oo waxyeelo soo gaadhsiiya beerka  qof kasta oo sameeya galmo aan sharci ahayn cafimadkeedana aan la hubin
  • 4. Sidee Loo Baadha Xanuunka Joonis Cadka ? Si loo ogaado qofka uu haleelo xanuunkani waxa uu dhakhtarku la yeesha wareysiyo iyo eegida muqaalka jidhkiisa isagoo baadhis iyo taabashaba ku samaynaya ka dib si uu u xaqiijiyo doctor nooca xanuunka waxa uu adeegsada shaybaadho ama Screening Test waxaana la baadha dhiiga qofka iyadoo la baadho HBsAg. Iyo baadhis lagu sameeyo (Immunoglobulin’s) qofka looga shakiyo xanuunkan waxana soo baxda natiijada Xanuunka Joonis Cadka Sidee Loo Daweeya Xanuunkan ? inta la ogsoon yahay xanuunkan weli looma helin dawooyin sax ah oo lagu daweeyo se waxa loo isticmaala talaalo ka hortaga oo la hirgeliyey sanadii 1982 iyo dawooyin taageerayaal ah oo ay ka mid yihiin Alpha Interferon iyo kuwa la dagaalama Virus yada sida Zidovodine iyo Limovodine dhamaan dawooyinkani waa kabayaal se maaha xanuun daweeyayaal caabuqa joonis cadka ah ,hadaba waxa muhiim ah si loo faafiyo loogana hortago dhibta caafimaad darro ee xanuunkani sababi karo haddii uu bulshada dhexdeeda ku faafo in bulshadu ku baraarugsanaato oo ay garato siyaabaha uu u faafo xanuunku ka dibna laga dhawrsoonado iyadoo siyabaha uu ku gudbi karo xanuunka waxa ka mid yihiin :-
  • 5. dhiiga amaba dareeraha jidka qofka qaba hadduu kusoo gaadho isago kugu soo gaadhi kara hababkan ay ka mid ka yihiin :- 1- Haddi wax fiiqan oo dhiig qaadi kara uu muday qofkii bukay adna ku mudo. 2- Haddii lagugu shubo dhiig qof qaba. 3- Galmo, haddiiba gabadha amaba ninku midkood qabo ka kalana waa qaadaya. 4- Hooyo way u gud binaysaa ilmaheeda xiliga uurka. Hadaba marka aynu isla garano siyaabaha uu ku gudbayo inagoo ku jirna weli sidii looga gashaman lahaa ama looga hortagi lahaa xanuunkan waa inaynu yeelanaa qorshe cad oo dawlad ahaan aynu leenahay inagoo raacayna xeerarka calamiga ah ee ka hortaga xanuunkan Si aynu u yareyno faafida xanuunkan waa inaynu helnaa :- 1. Waa in la sameyo wacyigelin balaadhan oo ku saabsan xanuunka waxa uu yahay ,dhibaatadiisa iyo sida looga gashaman karo 2. Waa in Dadka lagula taliyo laguna dhiiri galiyo in ay iska baadhaan gaar ahaan • Xiliga guurka. • Xiliga hooyadu uurka leedahay. 3. sidoo kale bulshada noocyadeeda kala duwan loogu baaqo faaidada talalka iyo ka hor taga xanuunka 4.Waa in qof kasta ka digtoonada isku tag aan sharciga ahayn sida galmada xaaraanta ah iyo in lagu shubo dhiig aan la baadhin noocuu doono ha ahaade Marka aynu intaas isla garano ogaanana waxa xanuunku yahay sida loo kala qaado ama looga hortagaba aynu isla eegno ma jiraa wax tirakoob sax ah oo Somaliland laga sameeyey heerka uu marayo xanuunkani bal aynu eegno xogtan yare ee Dr. Zeynep Muuse Jama ka samaysay dhiig bixiyayaashii lagu baadhay qaar ka mid ah casimadaha gobolada dalka Somaliland Somaliland
  • 6. Inkasto aan tirakoob sax ah ama xog dhab ah aan laga hayn Somaliland ayaa hadana haddii aad tahay hawl wadeen caafimaad joogana Hospital waxad dareemi kartaa in dad badan xanuunkani uu hayo, taaso ah ta nagu kaliftay inaanu raadino meel aanu xog saxa ka heli karno Xogta keliya ee suuro gal noqotay inaanu helno heerka xanuunka ee dalkeena waxay noqotay WHO blood safety monthly report 2013 ee cusbitalada guud ee Somaliland . War bixintaa oo u qornayd bil bil ayaan isku geeyay gobal kastaa sanadkaa intii qof ee la badhay guud ahaan iyo intii laga helay xanuunka, dadka la baadhay waxay wada ahaayeen dhamaan rag maadama inta u badan bulshada Somaliland cida dhiig bixisaa tahay Rag da’doodu waxay u dhaxaysay 18-65 Sawirkan helayna waxaa uu noqday kan hoos ku xusan iyada aan 100% la isku halayn Karin in ay sax tahay xog ururintani lakiin waxay iftimin kartaa dadkii dhiiga shuubayay ee la baadhay guud ahaan tiradooda iyo inta xanuunka laga helay sanadkii 2013 somaliland cusbitalada Guud :- Hargeisa waxaa la baadhay 2416 qof waxaan xanuunka laga helay 75 qof taas oo haddii la raaco noqonaysaa 100 qof ee la badhayba 3.1% ayaa qabay xanuunka. Berbera waxa la baadhay 392 waxana laga helay xanuunka 13 taas oo ah micnaheedu 100 qofba 3.3% ayaa laga helay xanuunka dadkii la baadhay . oo ah magalada ugu badan dadka xanuunka laga helay intii dad la baadhay ayayBurco aba laga helayy 2391 , waxa positive noqday amla baadhawaxaguud ahaanduahayd tira ayaa xanuunka qabay.6%ee la baadhay baqof100ay tahaytaas oo macnaheedu145 Borama waxa la baadhay 768 qof waxaa laga helay xanuunka 45 qof , dadkii la badhay 100 qof ba waxa xanuunaka qabay 5.8% . Ceerigaabo waxa la baadhay 333 waxana laga helay 10 qof , oo ah 100 qof ee la baadhayba 3% baa qaba . Laascood oo ah magalaada dadka la baadhay ugu yar yihiin 74 qof oo kaliya sanadkaa ayaa dadka laga helay ahaayeen 4 qof . taas oo u dhiganta 5.4% ay qabaan xanuunka dadkii la baadhay. Sidii aan hore u soo tilmaamay inkasta oo anay sawir saxa ah warbixintani ka siinayn heerka magalo kasta uu gaadhsiisan yahay xanuunku hadana waxay ku horseedaysaa inaad is waydiiso su’aalo badan oo ta ugu mihiimsani tahay :
  • 7. 1- haddiiba u maarayo xanuunka heerka dadkii muqaal ahaan u muuqday in ay yihiin dad cafimaad qaba, talow tiro intee leeg ayaa xanuunku haya iyago wax calaamada ah lahayn.? 2- Sida ay ina tusayso xog ururintani Burco ayaa ah magalada uu ugu badan yahay xanuunkan dadka qaba ee la badhay markay dhiiga shubayeen taas micnaheedu ma waxa weeyaan in dadka xanuunku hayaa ay burco ugu badan tahay? 3- Haddi ay tahay jawaabtu haa waa maxay sababta burco ay ugu badan tahay xanuunkani ? Fiiro Gaar ah : Tirakoobkani waa mid laga sameeyey dadyowga dhiig bixiyayaasha ah ee ay baadhista dhiig bixinta ka horeysa ay u sameyen bangiyada dhiiga ee dalka intii laga helay xanuunka joonis cadka Diyaarintii Dr. Mohamed Shucayb Ahmed Tixraac WHO hepatitis B guidline safety Kumar and Clark internal medicine Davidson Iyo qoraalka u muhiimsan warbixintan ee ay diyaarisay Dr Zeynep Musse Jama