SlideShare ist ein Scribd-Unternehmen logo
1 von 50
Downloaden Sie, um offline zu lesen
1
HEESO- HAWLEED
Heeso-hawleedku waa heeso la tiriyo xilliyada hawl lagu foogan yahay,
hawashaasi hawl farsamo ama hawl xoolaad ha ahaatee.
Heeso-hawleedku waxa ay ku kala duwan yihiin luuqda, xilliyada latirinaayo iyo
dulucdooda guud.
Xoolaha ay soomaalidu dhaqato meesi kastaaba waxa uu leeyahay hees u gaara
oo aanay xoolaha kale la wadaagin.
Haddaba xilliyada kala duwan ee xoolaha loo heeso waxa ka mid ah : Xilliyada
waraabka, geeddiga, carraabaha, daajinta, milxinta ama carro-siinta.
Baddaha heeso- hawleedka tiro ahaan waxa ugu badan uguna murti culus,
looguna halqabsi badan yahay Heeso-hawleedka geela.
Taas oo ay sabab u tahay murtida culus ee ku jirta heeso-hawleedka geela.
Heesaha geelu waa heeso ay soomaalidu u hagar baxaday oo si aftahannimo
iyo farshaxannimo ku jirto loo curiyey , sababta oo ah waagii hore waxa geelu
ahaa halbeegga nolosha oo dhan lagu cabiro oo waatii la yidhi “Geel waa geel,
wixii gooyaana waa geel”.
2
HEESAHA WARAABKA GEELA
Wax shiddeeyiyo
sharba necebeey
shifo ku afsaar
oo shar kuuma leh
Sidii sagal roob
oo si san u da’ay
waan sugaynaye
geelu sabadii
maysa soo simay
3
Seddex boqol iyo
Sagaashan habeen
Oo sidkaa yahay
Sac nin maaliyo
Sabool sugi waa
Oo ku soo saar
waanse kugu simay
Suubeey sabo ceel
Seegi mayside
Siigo cuduriyo
Yaan saf kugu marin
Markay tuban tahay
ama kala taal
ama lala tago
waa tolleeyoo
looma kala tago
Kuwii mudhayada
madheedha irmaan
maali-jirayow
waa ka madhan yahay
4
Jiilaalkii dheer
jaawoy adigiyo
wiilkii jamalaa
jiidhku hadhaa
oo la jecel yahay
Dayr dhalkaagiyo
Dayr nin guursaday
Dagaagilanyoo
lafta duudkiyo
Daanku dheeraa
Habeenkaan gudo
Een guryaha maro
Een garayskiyo
Guntiga u furo
Garaad badanuhu
Waygu garan jiray
Habeenkay goray
Guure guuriyo
Guul aroor tahay
Gami’imaayee
waxba gabadhyey
Gogol wacaniyo Galaydh hay dhigin
5
Wax ku raadsada
Oon raggaagiyo
Raacaay nirigtiyo
Raxmada ahayn
Kuuma roonee
Rabow kaa hay
Gugan maanta ah
Guurasn maayee
Waxba gabadhyey
Garbo-saartiyo
Guudka hay lulin
Afar foolaha
Aabbe mooyee
Aan ab kale baran
Abaydimiyaay
Hormo inay timid
Oo horweyn tahay
Hawsha korodhiyo
Habaaskaba garo
6
Mashmashiiqsigu
Waa mirtii xalay
Maalinyacabkuna
Waa mid lagu baray
Haddaan dhidibada
Dharaar iyo laba
Looga dhaantayn
Miyey dheregtaa
Darka rigada ah
Ee Rabi alkumay
Ee raguna dhigay
Riixi mayside
Raasamaalyow
Haysa soo ridin
Horraadkaagiyo
Horraad inan weyn
Wax la huurshaba
Maalin hawleed
Hareer laga arag
7
Daraadaaba diiradlaha qori
Degta loo sudhay
Daraadaabaa dirida engegan
Loo dalooshoo looga dabatagay
Daraadaabaa laysu dooxoo
Laysu wada dilay
Wareego ildheer
Soo wareegoo
Soo wareer goo
Haddaan loo orin
Waa ugaadhoo
Way irdhawdaa
Qoor yareey qalin
Qoor ay joogtaba
Qooro go’aniyo
Qaar rag baa yaal
Oo lafaa quban
Kayn xabado badan
Oo xinjiri taal
Oo rag ku xarbiyey
Xayaad ololaay
8
Sidii sheekh weyn
Oo wan shilis cunay
Ayrooy shaashkiyo
Shaarubaha leef
Haddaan cududaha
Cudur hoosiyo
Caabuq naga galin
Abeer cariyow
Cabi doontee
Taa cindiga gali
Feedho boqolley
foodho dhimanbay
Dhaaminaysaa
Ana dhabarkiyo
Meel dhexdaasaan
Dhawr is leeyahay
Marka seban dhaco
Sacna weyl gabo
Suubeey lagu sidig
9
Sidii haro webi
Oo hilaac maray
Darku ma heliyey
Oo maharo jabay
Maadigaa murug
Maangaddii iyo
Milicdii shalay
Soo mudnayoo
Soo maleegnaa
Wiil magaalada
Soo maraan maray
Oo mijo cas helay
Oo mar furay xalay
Wallee maydhooy
Maalintii ceel
Kuu mintidi waa
Adoo gubad galay
Guduudse ahaa
Garaad laawuhu
Madow gubaniyo
Guduud kugu sheeg
Oo ku garan waa
10
Tiireey naga toos
Oo hanaga tegin
Oo hanagu tuman
Sidii shini dhagax
Oo dab lagu shiday
Maygu shirayoo
Maygu shagax yidhi
Jeeroon wada qoyo
Oon maryaha qubo
Layma qaatoo
Layma qaayibo
Darka ceelkow
Maanta dabadeed
Daruur hoortiyo
Doog lagaa raac
Oo lagaa durug
Weydiimo
1. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor ku qoran.
2. Arday kastaa ha soo qoro toban hees-hawleed oo geela loogu heeso
xilliga waraabka.
11
HEESAHA DURDUURTA GEELA
( Rakaadda )
Ma rakaad buu
Isu soo rogay
Anna rubadkaan
La ruc leeyahay
Hay dul joogine
Tii durduurtiyo
Tii dafaay durug
12
Jidkii dheeraa
waynu jeexiye
waynu jiidane
jiija-leeyeey
jiidada xidhxidho
Kaaga naga fulay
een fogaanayn
foodhi gabaniyo
faataxaan faray
Sool inaad mari
Soddon inaad qadi
Ood siddii noqon
Saa biyaha ku cab
Siinay siinoo
Sabaalaynee
Sarreeyaha jaan
Sow ma sare kaco
Weydiimo
1. Si koox koox ah u falanqeeya dulucda hees-hawleedkan kor ku qoran.
2. Arday kastaa ha soo qoro shan Hees-hawleed oo ku saabsan durduurta
geela ee xilliga waraabka.
13
HEESAHA CARRAABAHA GEELA
Carraabaha dheer
Caafimaad iyo
caano kugu gale
Gaani galabtii
Gurmo go’aniyo
Geed maloo koray
Gabal dhacaybay
Gabataayoo
Sida gorayada
Geed ku maran tahay
14
Hadhaagaagoo
Heblaa maqaniyo
Hadhuub lagu tebay
Waa habaar weyn
Duqi doobtii
Doobirta lahayd
Ma durbaansaday
Anna dalabtii
Doobirta lahayd
Mala daba galay
Gabalkii baa
Gaabtay gaabtoo
Gaare niijiyo
Garayska agtagay
Sidii haadkacay
Oo hilbo ogaa
Goor habeenimo
Heedo-dawdoy
15
Xaylo guud weyn
Xiddigoo dhacay
Xill ma kuu yimid
Oo malagu xigay
Oo ma la xil baxay
Geelu galabtii
Gaaniyo irmaan
Galoof iyo rimay
Maysu kala guray
Anna galabtii
Gaajiyo haraad
Maysu kala guray
Weydiimo
1. Si koox koox ah u falanqeeya dulucda hees-hawleedkan kor ku qoran.
2. Arday kastaa ha soo qoro afar hees-hawleed oo ku saabsan carraabaha
geela.
16
HEESAHA GEEDIGA GEELA
Seddex maraneey
Seddex ma ogtahay
In sibraar qoyey
Oo senge cayilay
Oo rag sare kacay
Waatan soogane
Sawaxaysee
Suub ma geeddaa
Oo ma sahan baa?
Oo ma socod baa?
Waa la guuraye
17
Gobaad naasaha
Gahaydh xagatiyo
Geedka ka ogow
Aarankaagiyo
Aar libaax baa
Arooryada hore
Ubatayn jiray
Aarankaagoo
Aftin daaqayn
Adimada iyo
Uurka hoosiyo
Afka ka cadhow
Aaran buladow
Sidii badhi dhawr
Berri carabiyo
Badda laga helay
Aaran buladlow
Buste ma huwaday
18
Waa horweynkii
Markuu hawd galo
Waraabe hurdiyo
Haadda kicin jirey
Ubatayn jirey
Weydiimo
1. Arday kastaa ha soo qoro shan hees-hawleed oo ku saabsan geediga
geela.
2. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor ku qoran.
19
HEESAHA DAAJINTA GEELA
Hadba laba geed
Kii hadhweynoo
Hadoodinal raac
Meel uu mayey helay
Oo midkale miray
Oo marooriyo
Geedo mulaya leh
Marmaroojaay
20
Sidii bahalkii
Baabusha lahaa
Meel bannaaniyo
Boodh is lagadooy
Ayga guunka ah
Ee ay gooshiyo
Gaanigu hurdaan
Gorey miratooy
Markuu himirtiyo
Hareeriga cuno
Habeedin ogeey
HEES-HAWLEED
1. Arday kastaa ha soo qoro saddex hees-hawleed oo ku saabsan daajinta
geela.
2. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor ku xusan.
HEESAHA CARRO-SIINTA GEELA
(Xilliga uu jeelan yahay)
Buunjida carrada
Baadhbaadhatooy
Balliyana tagtee
Bullo weydsanaa?
21
Inta kale marwooy
Madaxa u yareey
Horaadka miskeed
Kuray baa mal-malay
Sidii hoyadaa ama habaryartaa
Halaguu hayee haanlay ma tahay?
Inta kale marwooy
Madaxa u yareey
Ma mas baa ku dhalay?
HAWL-QABAD
1. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor xusan.
2. Soo qor afar hees-hawleed oo ku saabsan carro-siinta geela.
22
HEESAHA WARAABKA LO’DA
Wanaagsane weris
Weyl uu xalay dhalay
Wiil la moodyoo
Loo wanqali gaadh
Inta giir-bey
Gees madow yahay
Geelow yeelkaa
Siddii buufimo
Birta loo dhigay
Buuf tumaallow
23
Sacii dhiiniyo
Naag dhabeelina
Way dhallaalaan
Sacii booriyo
Naag basariyana
Bawdadaa weyn
Oo bogaa shilis
Xay cadkaagiyo
Naagtii xaasana
Feedhahaa xagan
Oo xayuubsama
Adoo hooto ah
Oo hadhaana ah
Oo hirdina badan
Geesa heerane
Lo’da ka horteed
Halaysoo horo
Sideed ku heshaa
24
Weysha kaa yari
Waa walaashaa
Ha wareemine
Waabiyoo daa
Cirku caad ma leh
Ceelku biyo ma leh
Dhulku caws ma leh
Kaagan ciyayee
Calaacalayaa
Muu cawadi sugo
Xiis wanaagsane
Biyo xoorliyo
Xareeda cirkuu
Xoolo ku ahaa
HAWL-QABAD
1. Si koox koox ah u fallanqeeya hees-hawleedkan kor ku qoran.
2. Arday kastaa ha soo qor Hees-hawleedyo ku saabsan waraabka lo’da.
25
HEESAHA GEEDDIGA LO’DA
Seddex gobonimo
Oonad garanayn
Garo mooyee
Geelu kulama leh
Saanta gibisha ah ee guryaha taal
Geeska fidhinka ah ee gujada kulul
Gadhoodhiyo subag oo la galab lulo
Garo mooyee geelu kulma leh
Hiirta waaberi
Haamahaagii
Hindhaadhiri jirey
Way harweenoo
Heed la tumay iyo
Hadhuudh lagu shubey
26
Weydiimo
1. Arday kastaa ha soo qoro saddex Hees-hawleed oo ku saabsan geediga
lo’da.
2. Si koox koox ah u falanqeeya Hees-hawleedka geediga lo’da.
HEESHA WARAABKA RIYAHA
Kamiinta riyaha
Kabti farasiyo
Kayaad mooddaa
Deero qalabooy
Nin qatani qalay
Qadhaadhna u dhimay
Walaalkiina qadi
Quudna kama helin
27
Gadhnin gobaleey
Gurdan faraslay
Gabooya colleey
Goojiyaa timid
Xay dhogor yareey
Biyo waa dhadhiin
Iyo laas dhanaan
Iyo meel dhudhuba
Oo lagugu dhibo
Heesahan waxa Riyaha loo tiriyaa xilliyada kala ah (waraabka, geediga iyo
daajinta)
Garooy maadahaa
Waa maalin dhow
Oo midi dhashaa
Midi dhaqayo tahay
Midi dhaadhisaa
Lagaa dhiijiyaa
Dhiil loo culaa
Lagu yara dhigaa
Laga dhaashadaa
28
Garooy gara daa
Adna giirooy
Ka gu’ weynide
Guuxa hoosiyo
Gardarada daa
Jimbac geedo leh
Jijibaadhaay
Kumbudhka riyaha
Nin karsaday kibir…..
HAWL-QABAD
1. Ka soo saar ereyada adag ee ku jira h/hawleedka riyaha, oo qor
macnahooda?
2. Arday kastaa ha soo qoro shanHees-hawleed oo riyaha loogu heeso.
29
HEESO-HAWLEEDKA IDAHA
Heesahan waxa idaha loo tiriyaa xillayada kala ah: (Waraabka, Geediga iyo
Daajinta)
Gallaalo cashira
Sidaad u cashadiy
Anna ma cashayn
Nin lagaa cunay
Oo lugtu u taal
Ma ledaayoo
Ma lulmoodaa
30
Shabcaseey guga
Naylo sholisiyo
Naago shabaqsade
Siddii dogob dhacay
Oo duleed yaal
Oon dab lagu qaban
Deylo qoor madow
Sidii qori culay
Daylo qoor madow
Codcodkaagiyo
Cad ma lays daray
Oo ma la cayilay
Ido waa miyire madaxa haka qoyn
Daylooy dar madhan
Oo doqon ku jiro
Hawsoo durdurin
Waa lagu duryaa
HAWL-QABAD
1. Ka soo saar ereyada adag ee ku jira h/hawleedka idaha, oo qor
macnahooda?
2. Arday kastaa ha soo qoro shanHees-hawleed oo idaha loogu heeso.
31
HEESO-HAWLEEDKA MAQASHA
Heeso-hawleedkan waxa maqasha loo tiriyaa xilliyada kala ah : (Waraabka,
Geediga iyo Daajinta)
Geeddiyo yareey
Geeddigan yar yari
Waa geedo doon
Iyo gacal u guur
**
Ma adaa higlooy
Hawraarayoo
Hawd geela baray
Maqaleey warlaay
Malaguu waramay
Yaa ii waramay
Ma walaalkaybaa
Webi hoose iyo
Waaleed ka yimid
*****
32
Waxarahayagow
Badanooyinow
Baqaye idin laa
Idin laba labee
Laba qudha ka reeb
Labadii la qalay
Laba qurub ka cunay
Ladaadyoodayoo
Laydhana u baxay
Naysha ina qool
Ina qool ugaas
Tii qaadhisaay
Qumayo indho dheer
Ama qal amma qaad
Ama qaalinkii Ina qoor-yar saar
Waataan jeclaa
Een jiri ogaa
Een dacawo xagan
Een dulin dhadhamin
33
Saawiri mudyoow
Solay laga dhigyow
Dumar saafayoow
Raggu sahayayow
Sumalkii dhalaan
Sida loo socdiyo
Sunsunkaba aqoon
HAWL-QABAD
1. Ka soo saar ereyada adag ee ku jira h/hawleedka maqasha, oo qor
macnahooda?
2. Arday waliba ha soo qoro shan Hees-hawleed oo maqasha loogu heeso.
HEESAHA HAANTA CAANAHA (MARKA LA LULAAYO CIIRTA
Haanyahay dhudhuco dhabar yar
Waagii dharaarowye
Geelii dhabbaha qaadye
Waa layna dhibayaaye
34
Oday dhagar qabaa yimide
Caanihii ma dhayeysey
Mise waad dhanaanaysey
Naa fuudo fuudo
Ma fayoobidoo ogiye
Faro kuguma yaalaane
Ma furtaa lagaa nuugay
Haantii qaboy qoor yar
Laba qaalin kugu buubtay
Laba qaar laguu kala jar
Naa baayo beesheennu
Waa beelo ceebeede
Yaan subagga lay bidine
Yaan bilishtu ii shirine
Yaan soo bax la i odhane
Baayooy bullooy ii bax
Naa yaan ku baalidine
Yaan bawdka kuu dhigine
Baranbaradu kugu xayane. Baayooy bullooy ii bax
35
HAWL-QABAD.
1. Ka soo saar ereyda adag ee ku u jira hees-hawleedkan, oo qor
macnahooda?
2. Arday kastaa ha soo qoro hees-hawleed oo ku saabsan haanta caanaha.
HEESAHA FARDAHA (Waraabka )
Bakhayl adhi badan
Oo ban dhaw yaal
Baruur mudashiyo
Adaa badhi ku leh
36
Casaan beyloow
Casar reer degay
Oo col la ahaa
Cabsidaan qabay
Hadba car iyo
May cirbixisaa
Haddii gelin hore
Geela lala tago
Galgaduud iyo
Galka hiiraan
Gabal gaabkii
Galaabixiyaay
Bullo fallan iyo
Baroor food dheer
Oo fanku cad yahay
Waayo laga fuul
Waa se laga fulay
Bilaa qaajuhu
Qorraxawyoo
Qaar dambeedkiyo
Qanaanta hadhmood
37
HAWL-QABAD
1. Arday waliba ha soo qoro shan hees-hawleed oo fardaha loogu heesho?
2. Macnee ereyda adag ee ku jira heesan kor ku qoran ee fardaha?
HEESO-HAWLEEDKA DAMEERAHA (xilliga la soo raro)
Abeer dhega weyn
Arooryada hore
Waa axlayn jirey
Gudo ujeedada
Rubad go’aniyo
Goobo ku leheey
38
Jilbo gaabane
Jaawe geel buu
Jees u dhaamaa
Kabaal dhuyuco ah
Oo mid dhebi yahay
Midna dhamas yahay
Ku dhukayatooy
Dameerahayagu
waa dir kow kow
Waa dir kabalacad
Waa walaaloo
Wixii loo dhigo
Way wadaagaan
Geelu wuu dhukaamaaye
Ma dhukaantadaydiiyeey
Geelu wuu cabaadaaye
Ma cabaadadaydiiyeey
Galowgalowda baas mooyee
Muxuu geel ku dheer yahay
HAWL-QABAD
1. Arday kastaa ha soo qoro shahan Hees-hawleed oo ku saabsan
Dameeraha.
2. Qor macnaha ereyada adag eee ku jira Hees-hawleeddan Dameeraha.
39
HEESAHA DHAANKA ( Salsalka awrta )
Qaalin wuu janqadhaaye
Duq jidiinka ka reema oo
Jiibiyaa la rartaa
Marka doogu cadaado
Dhir caleeni ka duusho
Caddaawow labadeennaa
Reerku ciidansadaa
40
Ragga caatadu gaadhiyo
Awrta caynku ku raagtay
U calaacali maysee
Abjad awri cantuugtiyo
Xadhig caaradu duushay
U calaacalaysaa
Inta doonida qaade
Sida daad u sabbeeye
Gurguurtow laba gaadhow
Aaway guul rarahaagi
Shaluu taagan ahaayoo
Maantuu tiir ku xidhnaayoo
Wuu tagoogo casooboo
Dhulkuu taakinayaa
Caruurtii yar yarayd iyo
Culimaa ajar roone
Nin cajuusad u dhaanshey
Muxuu ciil iyo wey iyo citibaaro qabaa
HAWL-QABAD
Arday kastaa ha soo qoro shan Hees-hawleed oo ku saabsan dhaanka(salsalka).
41
HEESO-HAWLEEDKA BEERO-FALASHADA (QODAALKA)
Markay beertu bislaato
Balkaan kuu gurayaayoo
Anaa kuu badhi goyne
Boorrow beerka ku hay
Milaygu waa milaygii
Rag maleegan ogaa
Naago mooska hurdeen
42
Bariiska reer magaalee
Badda looga talaabay
Waa kan oo la budeeyoo
Buushihii laga saaray
Markuu geedka ku joogo
Gammaan kooraysan la mood
Geel bariisan la mood
Gabadh heego-dheer ah la mood
Hayboow hadhkii weeye
Habeen weli weeye
Hawshii dhiman weeye
Hagradaa doqon weeye
Cagta hoosa ka qaadoo
Hor horree socod weeye
Goortu goortii ha gaadho
Goortii caarre ha gaadho
Casar gaaban ha gaadho
Haddaan kaa xaragoodo
Oon xodha kaa laban laabto
Halkeen xoolo u doonan
43
Sidii naag hubinya oo
Hadhuudhkii ka xumaaday
Maaxaad ii hadimayn
Eed hoosta iiga habaari
Ma anigaa hadhimeeyoo
Halkii kaaga dameeyoo
Hiraabtii dabadeed
Hooyaday wax I siisay
HAWL-QABAD
1. Arday kastaa ha soo qoro shan Hees-hawleed oo ku saabsan beero-
falashada.
44
HEESO-HAWLEEDYADA BEEYADA
( fooxa )
Nimaan maydi kuu guran
Moxorkuna u dheerayn
Masruuf ma kaaga adag yahay
Marka aan manqoofidaydiyo
Malaawidayda xidhanahay
Moohaarna buuxsado
Waxaan ahay mulkiilaha
Loo soo macaash tago
45
HEESAHA JILLAABASHADA KALLUUNKA
Tuuntuunsanow
Tunba meel dhigow
Tamadow ku mee
Ma Taraaqad baa?
Ma Deerag baa?
Ma Tabadin baa?
Ma Samaan baa?
Ma Bayaad baa?
Weydiimo
1. Soo qor saddex h/hawleed oo ku saabsan kalluunka?
2. Si kooban u sharrax dulucda heestan ( Tawaawac baddeed)?
b- Ka soo saar ereyada adag ee ku jira, ka dibna qor macnahooda?
46
HEESO-HAWLEEDKA KEBEDDA
Saaxil laga keenyeey
Wada sujuriyeey
Siyaab aqalka loo saaryeey
Awdal laga keenyeey
Alalag dheereey
Ilbari lagaga soo oriyeey
Waatan soo xiixlee
Xaaxi ka cadee
Xalaawoy lo’deeniiyeey
Waa kan soo biliglee
Baasha ka onkadayee
Bidhaan dheere
Roob bariyeey
Wuu xaayaayaayoo
Dixo xulaayoo
Xumbada igadhka joojaayeey
Naagtaan daah xidhaneey
Doco dalooleey
Ninkeedii dabayl raacyeey
47
Balanbal shaaleeyeey
Buulshareeraay
Ma maantaan
Bah kuu helayeey
Walanwalcaaleeyeey
Waaxyo daylooy
Warqado dooniyaadlayeey
Baarqab waa seedoo
Sariba maynee
Sagaal jir aan armaanayneey
Korankor cunimaynoo
Kariba maynee
Karuur geel ma lahayaayeey
***
Geedba geedba u dheer laga garaacyeey
Galool mudhay mulaaxdiiyeey
Gabadha kebeda laheey
Kaalin daraneey
Adaan kayd u sii dhiganeey
48
HEESAHA HARARKA (CAWSKA)
Alla hobeey hoobaaligayeey hoyal
Bisinkiyo quraankiiyeey hoyal
Naa qadka looxa lagu dhigayeey hoyal
Naa Qaadiroow Raxmaankiiyeey hoyal
Hanna qadin qiyaamaha'eey hoyal
Alla hobeey hobaaligayeey hoyal
Naxwigaa tolkeen yidhiyeey hoyal
Hadalkaa kaan macaanayneey hoyal
Magane muu iskaga tago’eey! hoyal
Naa taa yari ma inanbaayeey hoyal
Naa kaa yari ma wiilbaayeey hoyal
Naa hoobiyo hobaaleeyow hoyal
49
Inan inani ka wayntahayeey hoyal
Hooyadeedna nooshahayeey hoyal
Oo war-wareegta baan nacayeey hoyal
Maad innoo ducayseeneey? hoyal
Mise waan duceeyaayeey? hoyal
Cirka, roob darroor dheha'eey hoyal
Duunyada, caafimaad dheha'eey hoyal
Dalka, nabad gelyoy dheha'eey hoyal
Hoobiyoow hoobaaleeyow hoyal
Cawdubillooy balooy baydheey hoyal
Belo-daran ka-yaasiineey hoyal
Cawskanow Sabool diidow hoyal
Waqaan suuqa lagu dhigineey hoyal
Oo yaa sameeyey lagu odhaneey hoyal
Oo soddon lagugu baayicineey hoyal
HEESAHA ALOOLKA
Dabnooleeye duur qalinow
Doco wanaajow daah walaalkiiyow
50
Alla waa xujooy oo waa xujooy
Geel xerada diidaa waa xujooy
Alla waa xujooy oo waa xujooy
Faras xakama diidaa waa xujooy
Xero kale ka dananaa waa xujooy
Alla waa xujooy oo waa xujooy
Gabadh xillaha diidaa waa xujooy
Xeelad bay ka wadataa waa xujooy.
Weydiimo
B. Agabkan aqal soomaaliga ee hoos ku qoran mid kasta ka qor saddex hees-
hawleed oo ku saabsan.
1. Kebedda
2. Hararka ama cawska
3. Aloolka
W,Q: Maxamed Beddel
Somaliafrika1@gmail.com

Weitere ähnliche Inhalte

Empfohlen

How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthThinkNow
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfmarketingartwork
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024Neil Kimberley
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)contently
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024Albert Qian
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsKurio // The Social Media Age(ncy)
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Search Engine Journal
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summarySpeakerHub
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Tessa Mero
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentLily Ray
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best PracticesVit Horky
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementMindGenius
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...RachelPearson36
 
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...Applitools
 
12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at WorkGetSmarter
 

Empfohlen (20)

How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental HealthHow Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
How Race, Age and Gender Shape Attitudes Towards Mental Health
 
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdfAI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
AI Trends in Creative Operations 2024 by Artwork Flow.pdf
 
Skeleton Culture Code
Skeleton Culture CodeSkeleton Culture Code
Skeleton Culture Code
 
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
PEPSICO Presentation to CAGNY Conference Feb 2024
 
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
Content Methodology: A Best Practices Report (Webinar)
 
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
How to Prepare For a Successful Job Search for 2024
 
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie InsightsSocial Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
Social Media Marketing Trends 2024 // The Global Indie Insights
 
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
Trends In Paid Search: Navigating The Digital Landscape In 2024
 
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
5 Public speaking tips from TED - Visualized summary
 
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
ChatGPT and the Future of Work - Clark Boyd
 
Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next Getting into the tech field. what next
Getting into the tech field. what next
 
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search IntentGoogle's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
Google's Just Not That Into You: Understanding Core Updates & Search Intent
 
How to have difficult conversations
How to have difficult conversations How to have difficult conversations
How to have difficult conversations
 
Introduction to Data Science
Introduction to Data ScienceIntroduction to Data Science
Introduction to Data Science
 
Time Management & Productivity - Best Practices
Time Management & Productivity -  Best PracticesTime Management & Productivity -  Best Practices
Time Management & Productivity - Best Practices
 
The six step guide to practical project management
The six step guide to practical project managementThe six step guide to practical project management
The six step guide to practical project management
 
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
Beginners Guide to TikTok for Search - Rachel Pearson - We are Tilt __ Bright...
 
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
Unlocking the Power of ChatGPT and AI in Testing - A Real-World Look, present...
 
12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work12 Ways to Increase Your Influence at Work
12 Ways to Increase Your Influence at Work
 
ChatGPT webinar slides
ChatGPT webinar slidesChatGPT webinar slides
ChatGPT webinar slides
 

‎Post a Status.pdf

  • 1. 1 HEESO- HAWLEED Heeso-hawleedku waa heeso la tiriyo xilliyada hawl lagu foogan yahay, hawashaasi hawl farsamo ama hawl xoolaad ha ahaatee. Heeso-hawleedku waxa ay ku kala duwan yihiin luuqda, xilliyada latirinaayo iyo dulucdooda guud. Xoolaha ay soomaalidu dhaqato meesi kastaaba waxa uu leeyahay hees u gaara oo aanay xoolaha kale la wadaagin. Haddaba xilliyada kala duwan ee xoolaha loo heeso waxa ka mid ah : Xilliyada waraabka, geeddiga, carraabaha, daajinta, milxinta ama carro-siinta. Baddaha heeso- hawleedka tiro ahaan waxa ugu badan uguna murti culus, looguna halqabsi badan yahay Heeso-hawleedka geela. Taas oo ay sabab u tahay murtida culus ee ku jirta heeso-hawleedka geela. Heesaha geelu waa heeso ay soomaalidu u hagar baxaday oo si aftahannimo iyo farshaxannimo ku jirto loo curiyey , sababta oo ah waagii hore waxa geelu ahaa halbeegga nolosha oo dhan lagu cabiro oo waatii la yidhi “Geel waa geel, wixii gooyaana waa geel”.
  • 2. 2 HEESAHA WARAABKA GEELA Wax shiddeeyiyo sharba necebeey shifo ku afsaar oo shar kuuma leh Sidii sagal roob oo si san u da’ay waan sugaynaye geelu sabadii maysa soo simay
  • 3. 3 Seddex boqol iyo Sagaashan habeen Oo sidkaa yahay Sac nin maaliyo Sabool sugi waa Oo ku soo saar waanse kugu simay Suubeey sabo ceel Seegi mayside Siigo cuduriyo Yaan saf kugu marin Markay tuban tahay ama kala taal ama lala tago waa tolleeyoo looma kala tago Kuwii mudhayada madheedha irmaan maali-jirayow waa ka madhan yahay
  • 4. 4 Jiilaalkii dheer jaawoy adigiyo wiilkii jamalaa jiidhku hadhaa oo la jecel yahay Dayr dhalkaagiyo Dayr nin guursaday Dagaagilanyoo lafta duudkiyo Daanku dheeraa Habeenkaan gudo Een guryaha maro Een garayskiyo Guntiga u furo Garaad badanuhu Waygu garan jiray Habeenkay goray Guure guuriyo Guul aroor tahay Gami’imaayee waxba gabadhyey Gogol wacaniyo Galaydh hay dhigin
  • 5. 5 Wax ku raadsada Oon raggaagiyo Raacaay nirigtiyo Raxmada ahayn Kuuma roonee Rabow kaa hay Gugan maanta ah Guurasn maayee Waxba gabadhyey Garbo-saartiyo Guudka hay lulin Afar foolaha Aabbe mooyee Aan ab kale baran Abaydimiyaay Hormo inay timid Oo horweyn tahay Hawsha korodhiyo Habaaskaba garo
  • 6. 6 Mashmashiiqsigu Waa mirtii xalay Maalinyacabkuna Waa mid lagu baray Haddaan dhidibada Dharaar iyo laba Looga dhaantayn Miyey dheregtaa Darka rigada ah Ee Rabi alkumay Ee raguna dhigay Riixi mayside Raasamaalyow Haysa soo ridin Horraadkaagiyo Horraad inan weyn Wax la huurshaba Maalin hawleed Hareer laga arag
  • 7. 7 Daraadaaba diiradlaha qori Degta loo sudhay Daraadaabaa dirida engegan Loo dalooshoo looga dabatagay Daraadaabaa laysu dooxoo Laysu wada dilay Wareego ildheer Soo wareegoo Soo wareer goo Haddaan loo orin Waa ugaadhoo Way irdhawdaa Qoor yareey qalin Qoor ay joogtaba Qooro go’aniyo Qaar rag baa yaal Oo lafaa quban Kayn xabado badan Oo xinjiri taal Oo rag ku xarbiyey Xayaad ololaay
  • 8. 8 Sidii sheekh weyn Oo wan shilis cunay Ayrooy shaashkiyo Shaarubaha leef Haddaan cududaha Cudur hoosiyo Caabuq naga galin Abeer cariyow Cabi doontee Taa cindiga gali Feedho boqolley foodho dhimanbay Dhaaminaysaa Ana dhabarkiyo Meel dhexdaasaan Dhawr is leeyahay Marka seban dhaco Sacna weyl gabo Suubeey lagu sidig
  • 9. 9 Sidii haro webi Oo hilaac maray Darku ma heliyey Oo maharo jabay Maadigaa murug Maangaddii iyo Milicdii shalay Soo mudnayoo Soo maleegnaa Wiil magaalada Soo maraan maray Oo mijo cas helay Oo mar furay xalay Wallee maydhooy Maalintii ceel Kuu mintidi waa Adoo gubad galay Guduudse ahaa Garaad laawuhu Madow gubaniyo Guduud kugu sheeg Oo ku garan waa
  • 10. 10 Tiireey naga toos Oo hanaga tegin Oo hanagu tuman Sidii shini dhagax Oo dab lagu shiday Maygu shirayoo Maygu shagax yidhi Jeeroon wada qoyo Oon maryaha qubo Layma qaatoo Layma qaayibo Darka ceelkow Maanta dabadeed Daruur hoortiyo Doog lagaa raac Oo lagaa durug Weydiimo 1. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor ku qoran. 2. Arday kastaa ha soo qoro toban hees-hawleed oo geela loogu heeso xilliga waraabka.
  • 11. 11 HEESAHA DURDUURTA GEELA ( Rakaadda ) Ma rakaad buu Isu soo rogay Anna rubadkaan La ruc leeyahay Hay dul joogine Tii durduurtiyo Tii dafaay durug
  • 12. 12 Jidkii dheeraa waynu jeexiye waynu jiidane jiija-leeyeey jiidada xidhxidho Kaaga naga fulay een fogaanayn foodhi gabaniyo faataxaan faray Sool inaad mari Soddon inaad qadi Ood siddii noqon Saa biyaha ku cab Siinay siinoo Sabaalaynee Sarreeyaha jaan Sow ma sare kaco Weydiimo 1. Si koox koox ah u falanqeeya dulucda hees-hawleedkan kor ku qoran. 2. Arday kastaa ha soo qoro shan Hees-hawleed oo ku saabsan durduurta geela ee xilliga waraabka.
  • 13. 13 HEESAHA CARRAABAHA GEELA Carraabaha dheer Caafimaad iyo caano kugu gale Gaani galabtii Gurmo go’aniyo Geed maloo koray Gabal dhacaybay Gabataayoo Sida gorayada Geed ku maran tahay
  • 14. 14 Hadhaagaagoo Heblaa maqaniyo Hadhuub lagu tebay Waa habaar weyn Duqi doobtii Doobirta lahayd Ma durbaansaday Anna dalabtii Doobirta lahayd Mala daba galay Gabalkii baa Gaabtay gaabtoo Gaare niijiyo Garayska agtagay Sidii haadkacay Oo hilbo ogaa Goor habeenimo Heedo-dawdoy
  • 15. 15 Xaylo guud weyn Xiddigoo dhacay Xill ma kuu yimid Oo malagu xigay Oo ma la xil baxay Geelu galabtii Gaaniyo irmaan Galoof iyo rimay Maysu kala guray Anna galabtii Gaajiyo haraad Maysu kala guray Weydiimo 1. Si koox koox ah u falanqeeya dulucda hees-hawleedkan kor ku qoran. 2. Arday kastaa ha soo qoro afar hees-hawleed oo ku saabsan carraabaha geela.
  • 16. 16 HEESAHA GEEDIGA GEELA Seddex maraneey Seddex ma ogtahay In sibraar qoyey Oo senge cayilay Oo rag sare kacay Waatan soogane Sawaxaysee Suub ma geeddaa Oo ma sahan baa? Oo ma socod baa? Waa la guuraye
  • 17. 17 Gobaad naasaha Gahaydh xagatiyo Geedka ka ogow Aarankaagiyo Aar libaax baa Arooryada hore Ubatayn jiray Aarankaagoo Aftin daaqayn Adimada iyo Uurka hoosiyo Afka ka cadhow Aaran buladow Sidii badhi dhawr Berri carabiyo Badda laga helay Aaran buladlow Buste ma huwaday
  • 18. 18 Waa horweynkii Markuu hawd galo Waraabe hurdiyo Haadda kicin jirey Ubatayn jirey Weydiimo 1. Arday kastaa ha soo qoro shan hees-hawleed oo ku saabsan geediga geela. 2. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor ku qoran.
  • 19. 19 HEESAHA DAAJINTA GEELA Hadba laba geed Kii hadhweynoo Hadoodinal raac Meel uu mayey helay Oo midkale miray Oo marooriyo Geedo mulaya leh Marmaroojaay
  • 20. 20 Sidii bahalkii Baabusha lahaa Meel bannaaniyo Boodh is lagadooy Ayga guunka ah Ee ay gooshiyo Gaanigu hurdaan Gorey miratooy Markuu himirtiyo Hareeriga cuno Habeedin ogeey HEES-HAWLEED 1. Arday kastaa ha soo qoro saddex hees-hawleed oo ku saabsan daajinta geela. 2. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor ku xusan. HEESAHA CARRO-SIINTA GEELA (Xilliga uu jeelan yahay) Buunjida carrada Baadhbaadhatooy Balliyana tagtee Bullo weydsanaa?
  • 21. 21 Inta kale marwooy Madaxa u yareey Horaadka miskeed Kuray baa mal-malay Sidii hoyadaa ama habaryartaa Halaguu hayee haanlay ma tahay? Inta kale marwooy Madaxa u yareey Ma mas baa ku dhalay? HAWL-QABAD 1. Si koox koox ah u falanqeeya hees-hawleedkan kor xusan. 2. Soo qor afar hees-hawleed oo ku saabsan carro-siinta geela.
  • 22. 22 HEESAHA WARAABKA LO’DA Wanaagsane weris Weyl uu xalay dhalay Wiil la moodyoo Loo wanqali gaadh Inta giir-bey Gees madow yahay Geelow yeelkaa Siddii buufimo Birta loo dhigay Buuf tumaallow
  • 23. 23 Sacii dhiiniyo Naag dhabeelina Way dhallaalaan Sacii booriyo Naag basariyana Bawdadaa weyn Oo bogaa shilis Xay cadkaagiyo Naagtii xaasana Feedhahaa xagan Oo xayuubsama Adoo hooto ah Oo hadhaana ah Oo hirdina badan Geesa heerane Lo’da ka horteed Halaysoo horo Sideed ku heshaa
  • 24. 24 Weysha kaa yari Waa walaashaa Ha wareemine Waabiyoo daa Cirku caad ma leh Ceelku biyo ma leh Dhulku caws ma leh Kaagan ciyayee Calaacalayaa Muu cawadi sugo Xiis wanaagsane Biyo xoorliyo Xareeda cirkuu Xoolo ku ahaa HAWL-QABAD 1. Si koox koox ah u fallanqeeya hees-hawleedkan kor ku qoran. 2. Arday kastaa ha soo qor Hees-hawleedyo ku saabsan waraabka lo’da.
  • 25. 25 HEESAHA GEEDDIGA LO’DA Seddex gobonimo Oonad garanayn Garo mooyee Geelu kulama leh Saanta gibisha ah ee guryaha taal Geeska fidhinka ah ee gujada kulul Gadhoodhiyo subag oo la galab lulo Garo mooyee geelu kulma leh Hiirta waaberi Haamahaagii Hindhaadhiri jirey Way harweenoo Heed la tumay iyo Hadhuudh lagu shubey
  • 26. 26 Weydiimo 1. Arday kastaa ha soo qoro saddex Hees-hawleed oo ku saabsan geediga lo’da. 2. Si koox koox ah u falanqeeya Hees-hawleedka geediga lo’da. HEESHA WARAABKA RIYAHA Kamiinta riyaha Kabti farasiyo Kayaad mooddaa Deero qalabooy Nin qatani qalay Qadhaadhna u dhimay Walaalkiina qadi Quudna kama helin
  • 27. 27 Gadhnin gobaleey Gurdan faraslay Gabooya colleey Goojiyaa timid Xay dhogor yareey Biyo waa dhadhiin Iyo laas dhanaan Iyo meel dhudhuba Oo lagugu dhibo Heesahan waxa Riyaha loo tiriyaa xilliyada kala ah (waraabka, geediga iyo daajinta) Garooy maadahaa Waa maalin dhow Oo midi dhashaa Midi dhaqayo tahay Midi dhaadhisaa Lagaa dhiijiyaa Dhiil loo culaa Lagu yara dhigaa Laga dhaashadaa
  • 28. 28 Garooy gara daa Adna giirooy Ka gu’ weynide Guuxa hoosiyo Gardarada daa Jimbac geedo leh Jijibaadhaay Kumbudhka riyaha Nin karsaday kibir….. HAWL-QABAD 1. Ka soo saar ereyada adag ee ku jira h/hawleedka riyaha, oo qor macnahooda? 2. Arday kastaa ha soo qoro shanHees-hawleed oo riyaha loogu heeso.
  • 29. 29 HEESO-HAWLEEDKA IDAHA Heesahan waxa idaha loo tiriyaa xillayada kala ah: (Waraabka, Geediga iyo Daajinta) Gallaalo cashira Sidaad u cashadiy Anna ma cashayn Nin lagaa cunay Oo lugtu u taal Ma ledaayoo Ma lulmoodaa
  • 30. 30 Shabcaseey guga Naylo sholisiyo Naago shabaqsade Siddii dogob dhacay Oo duleed yaal Oon dab lagu qaban Deylo qoor madow Sidii qori culay Daylo qoor madow Codcodkaagiyo Cad ma lays daray Oo ma la cayilay Ido waa miyire madaxa haka qoyn Daylooy dar madhan Oo doqon ku jiro Hawsoo durdurin Waa lagu duryaa HAWL-QABAD 1. Ka soo saar ereyada adag ee ku jira h/hawleedka idaha, oo qor macnahooda? 2. Arday kastaa ha soo qoro shanHees-hawleed oo idaha loogu heeso.
  • 31. 31 HEESO-HAWLEEDKA MAQASHA Heeso-hawleedkan waxa maqasha loo tiriyaa xilliyada kala ah : (Waraabka, Geediga iyo Daajinta) Geeddiyo yareey Geeddigan yar yari Waa geedo doon Iyo gacal u guur ** Ma adaa higlooy Hawraarayoo Hawd geela baray Maqaleey warlaay Malaguu waramay Yaa ii waramay Ma walaalkaybaa Webi hoose iyo Waaleed ka yimid *****
  • 32. 32 Waxarahayagow Badanooyinow Baqaye idin laa Idin laba labee Laba qudha ka reeb Labadii la qalay Laba qurub ka cunay Ladaadyoodayoo Laydhana u baxay Naysha ina qool Ina qool ugaas Tii qaadhisaay Qumayo indho dheer Ama qal amma qaad Ama qaalinkii Ina qoor-yar saar Waataan jeclaa Een jiri ogaa Een dacawo xagan Een dulin dhadhamin
  • 33. 33 Saawiri mudyoow Solay laga dhigyow Dumar saafayoow Raggu sahayayow Sumalkii dhalaan Sida loo socdiyo Sunsunkaba aqoon HAWL-QABAD 1. Ka soo saar ereyada adag ee ku jira h/hawleedka maqasha, oo qor macnahooda? 2. Arday waliba ha soo qoro shan Hees-hawleed oo maqasha loogu heeso. HEESAHA HAANTA CAANAHA (MARKA LA LULAAYO CIIRTA Haanyahay dhudhuco dhabar yar Waagii dharaarowye Geelii dhabbaha qaadye Waa layna dhibayaaye
  • 34. 34 Oday dhagar qabaa yimide Caanihii ma dhayeysey Mise waad dhanaanaysey Naa fuudo fuudo Ma fayoobidoo ogiye Faro kuguma yaalaane Ma furtaa lagaa nuugay Haantii qaboy qoor yar Laba qaalin kugu buubtay Laba qaar laguu kala jar Naa baayo beesheennu Waa beelo ceebeede Yaan subagga lay bidine Yaan bilishtu ii shirine Yaan soo bax la i odhane Baayooy bullooy ii bax Naa yaan ku baalidine Yaan bawdka kuu dhigine Baranbaradu kugu xayane. Baayooy bullooy ii bax
  • 35. 35 HAWL-QABAD. 1. Ka soo saar ereyda adag ee ku u jira hees-hawleedkan, oo qor macnahooda? 2. Arday kastaa ha soo qoro hees-hawleed oo ku saabsan haanta caanaha. HEESAHA FARDAHA (Waraabka ) Bakhayl adhi badan Oo ban dhaw yaal Baruur mudashiyo Adaa badhi ku leh
  • 36. 36 Casaan beyloow Casar reer degay Oo col la ahaa Cabsidaan qabay Hadba car iyo May cirbixisaa Haddii gelin hore Geela lala tago Galgaduud iyo Galka hiiraan Gabal gaabkii Galaabixiyaay Bullo fallan iyo Baroor food dheer Oo fanku cad yahay Waayo laga fuul Waa se laga fulay Bilaa qaajuhu Qorraxawyoo Qaar dambeedkiyo Qanaanta hadhmood
  • 37. 37 HAWL-QABAD 1. Arday waliba ha soo qoro shan hees-hawleed oo fardaha loogu heesho? 2. Macnee ereyda adag ee ku jira heesan kor ku qoran ee fardaha? HEESO-HAWLEEDKA DAMEERAHA (xilliga la soo raro) Abeer dhega weyn Arooryada hore Waa axlayn jirey Gudo ujeedada Rubad go’aniyo Goobo ku leheey
  • 38. 38 Jilbo gaabane Jaawe geel buu Jees u dhaamaa Kabaal dhuyuco ah Oo mid dhebi yahay Midna dhamas yahay Ku dhukayatooy Dameerahayagu waa dir kow kow Waa dir kabalacad Waa walaaloo Wixii loo dhigo Way wadaagaan Geelu wuu dhukaamaaye Ma dhukaantadaydiiyeey Geelu wuu cabaadaaye Ma cabaadadaydiiyeey Galowgalowda baas mooyee Muxuu geel ku dheer yahay HAWL-QABAD 1. Arday kastaa ha soo qoro shahan Hees-hawleed oo ku saabsan Dameeraha. 2. Qor macnaha ereyada adag eee ku jira Hees-hawleeddan Dameeraha.
  • 39. 39 HEESAHA DHAANKA ( Salsalka awrta ) Qaalin wuu janqadhaaye Duq jidiinka ka reema oo Jiibiyaa la rartaa Marka doogu cadaado Dhir caleeni ka duusho Caddaawow labadeennaa Reerku ciidansadaa
  • 40. 40 Ragga caatadu gaadhiyo Awrta caynku ku raagtay U calaacali maysee Abjad awri cantuugtiyo Xadhig caaradu duushay U calaacalaysaa Inta doonida qaade Sida daad u sabbeeye Gurguurtow laba gaadhow Aaway guul rarahaagi Shaluu taagan ahaayoo Maantuu tiir ku xidhnaayoo Wuu tagoogo casooboo Dhulkuu taakinayaa Caruurtii yar yarayd iyo Culimaa ajar roone Nin cajuusad u dhaanshey Muxuu ciil iyo wey iyo citibaaro qabaa HAWL-QABAD Arday kastaa ha soo qoro shan Hees-hawleed oo ku saabsan dhaanka(salsalka).
  • 41. 41 HEESO-HAWLEEDKA BEERO-FALASHADA (QODAALKA) Markay beertu bislaato Balkaan kuu gurayaayoo Anaa kuu badhi goyne Boorrow beerka ku hay Milaygu waa milaygii Rag maleegan ogaa Naago mooska hurdeen
  • 42. 42 Bariiska reer magaalee Badda looga talaabay Waa kan oo la budeeyoo Buushihii laga saaray Markuu geedka ku joogo Gammaan kooraysan la mood Geel bariisan la mood Gabadh heego-dheer ah la mood Hayboow hadhkii weeye Habeen weli weeye Hawshii dhiman weeye Hagradaa doqon weeye Cagta hoosa ka qaadoo Hor horree socod weeye Goortu goortii ha gaadho Goortii caarre ha gaadho Casar gaaban ha gaadho Haddaan kaa xaragoodo Oon xodha kaa laban laabto Halkeen xoolo u doonan
  • 43. 43 Sidii naag hubinya oo Hadhuudhkii ka xumaaday Maaxaad ii hadimayn Eed hoosta iiga habaari Ma anigaa hadhimeeyoo Halkii kaaga dameeyoo Hiraabtii dabadeed Hooyaday wax I siisay HAWL-QABAD 1. Arday kastaa ha soo qoro shan Hees-hawleed oo ku saabsan beero- falashada.
  • 44. 44 HEESO-HAWLEEDYADA BEEYADA ( fooxa ) Nimaan maydi kuu guran Moxorkuna u dheerayn Masruuf ma kaaga adag yahay Marka aan manqoofidaydiyo Malaawidayda xidhanahay Moohaarna buuxsado Waxaan ahay mulkiilaha Loo soo macaash tago
  • 45. 45 HEESAHA JILLAABASHADA KALLUUNKA Tuuntuunsanow Tunba meel dhigow Tamadow ku mee Ma Taraaqad baa? Ma Deerag baa? Ma Tabadin baa? Ma Samaan baa? Ma Bayaad baa? Weydiimo 1. Soo qor saddex h/hawleed oo ku saabsan kalluunka? 2. Si kooban u sharrax dulucda heestan ( Tawaawac baddeed)? b- Ka soo saar ereyada adag ee ku jira, ka dibna qor macnahooda?
  • 46. 46 HEESO-HAWLEEDKA KEBEDDA Saaxil laga keenyeey Wada sujuriyeey Siyaab aqalka loo saaryeey Awdal laga keenyeey Alalag dheereey Ilbari lagaga soo oriyeey Waatan soo xiixlee Xaaxi ka cadee Xalaawoy lo’deeniiyeey Waa kan soo biliglee Baasha ka onkadayee Bidhaan dheere Roob bariyeey Wuu xaayaayaayoo Dixo xulaayoo Xumbada igadhka joojaayeey Naagtaan daah xidhaneey Doco dalooleey Ninkeedii dabayl raacyeey
  • 47. 47 Balanbal shaaleeyeey Buulshareeraay Ma maantaan Bah kuu helayeey Walanwalcaaleeyeey Waaxyo daylooy Warqado dooniyaadlayeey Baarqab waa seedoo Sariba maynee Sagaal jir aan armaanayneey Korankor cunimaynoo Kariba maynee Karuur geel ma lahayaayeey *** Geedba geedba u dheer laga garaacyeey Galool mudhay mulaaxdiiyeey Gabadha kebeda laheey Kaalin daraneey Adaan kayd u sii dhiganeey
  • 48. 48 HEESAHA HARARKA (CAWSKA) Alla hobeey hoobaaligayeey hoyal Bisinkiyo quraankiiyeey hoyal Naa qadka looxa lagu dhigayeey hoyal Naa Qaadiroow Raxmaankiiyeey hoyal Hanna qadin qiyaamaha'eey hoyal Alla hobeey hobaaligayeey hoyal Naxwigaa tolkeen yidhiyeey hoyal Hadalkaa kaan macaanayneey hoyal Magane muu iskaga tago’eey! hoyal Naa taa yari ma inanbaayeey hoyal Naa kaa yari ma wiilbaayeey hoyal Naa hoobiyo hobaaleeyow hoyal
  • 49. 49 Inan inani ka wayntahayeey hoyal Hooyadeedna nooshahayeey hoyal Oo war-wareegta baan nacayeey hoyal Maad innoo ducayseeneey? hoyal Mise waan duceeyaayeey? hoyal Cirka, roob darroor dheha'eey hoyal Duunyada, caafimaad dheha'eey hoyal Dalka, nabad gelyoy dheha'eey hoyal Hoobiyoow hoobaaleeyow hoyal Cawdubillooy balooy baydheey hoyal Belo-daran ka-yaasiineey hoyal Cawskanow Sabool diidow hoyal Waqaan suuqa lagu dhigineey hoyal Oo yaa sameeyey lagu odhaneey hoyal Oo soddon lagugu baayicineey hoyal HEESAHA ALOOLKA Dabnooleeye duur qalinow Doco wanaajow daah walaalkiiyow
  • 50. 50 Alla waa xujooy oo waa xujooy Geel xerada diidaa waa xujooy Alla waa xujooy oo waa xujooy Faras xakama diidaa waa xujooy Xero kale ka dananaa waa xujooy Alla waa xujooy oo waa xujooy Gabadh xillaha diidaa waa xujooy Xeelad bay ka wadataa waa xujooy. Weydiimo B. Agabkan aqal soomaaliga ee hoos ku qoran mid kasta ka qor saddex hees- hawleed oo ku saabsan. 1. Kebedda 2. Hararka ama cawska 3. Aloolka W,Q: Maxamed Beddel Somaliafrika1@gmail.com