Mattingly "AI & Prompt Design: The Basics of Prompt Design"
Akhriska
1. Kow (One) Akhriska iyo Caajisku isma GayaanReading and Laziness are Incompatible Wadahadal (Dialogue) Qore/By: Idiris M. Cali jidhidhico.wordpress.com
2. Abbaaro (at time) Akhriska (the reading) Aqalka fadhiga (living room) Caajiska (the boring) Cabbaar (moment, a while) Dhammaad (the end) Dhaxeeyaa (in between) Dinnad, bisad, yaanyuur (cat) Dirir (fight, battle) Fiidnimo (in the evening) Gayaan, is leh (compatible) Isma Gayaan, is lahayn (incompatible) Jiir (mouse) Maqal (listen) Wadahadal (dialogue, conversation) Walaalo (siblings) Xasuus (memory, remembrance) Xiisa badan (very interesting) Erayada Cusub (New Words) jidhidhico.wordpress.com
3. Wadahadalkan waxa uu u dhaxeeyaa Axmed iyo Ayaan, oo walaalo ah. Waxa ayna joogaan aqalka fadhiga. Abbaaro waa lixdii fiidnimo. This is a dialogue between Ahmed and Ayan, who are siblings. They are in the living room. It is six o’clock in the evening. jidhidhico.wordpress.com
4. Axmed ayaa weydiiyey Ayaan, “Maxaad akhrinaysaa, abbaayo?” Ahmed asked Ayan, “What are you reading, sister?” jidhidhico.wordpress.com
5. Ayaan-Waxaan akhrinayaa buugga la yiraahdo Doolli iyo Dinnad, ee uu qoray M. G. Foolgaab. Ayan- I’m reading the book called The Mouse and the Cat by M. G. Foolgaab. jidhidhico.wordpress.com
6. Axmed - Waa buug fiican, oo xiisa badan; waa’ hore ayaan akhriyey. Ahmed - It is a good book, an interesting one; I read it a long time ago. jidhidhico.wordpress.com
7. Ayaan - Waayahay, haddii aad akhrisey, iiga sheekee: Sidee ayuu buuggu ku dhammaadaa? Ayan - Alright, if you read it already, tell me: How does the book end? jidhidhico.wordpress.com
8. Axmed- Dinnada iyo jiirka ayaa guriga hoostiisa iskula dirira. Jiirku wuu cararaa, oo guriga ayuu ka tagaa. Sidaas daraadeed, dinnada ayaa guuleysata. Ahmed-The cat and the mouse engage in a fight at the basement of the house. The mouse runs away and leaves the house. Therefore, the cat becomes victorious. jidhidhico.wordpress.com
9. Ayaan- Waa kee bogga buugga ee aan ka heli karo macluumaadkan? Ayan - Which page in the book can I find this information? jidhidhico.wordpress.com
10. Axmed - Ma xasuusto. Hasayeeshee adiguba waad heli doontaaye akhriskaaga sii wad. Ahmed- I don’t remember. However, you’ll find out yourself when you keep reading. jidhidhico.wordpress.com
11. Ayaan - Ma doonayo in aan wada akhriyo buugga! Waan ku caajisey. Ayan - I don’t want to read the whole book! I’m bored with it. jidhidhico.wordpress.com
12. Axmed - I maqal walaal. Akhriska laguma caajiso. Horta kac, oo si fiican horta u fariiso. Cuntadan aan kuu keenayna cun, cabbaar ka dibna ku noqo akhriska. Markaas, adiga ayaa u xiisi doona inaad wada akhrido buuggan. Ahmed - Listen to me my beloved sister. You can’t be bored with reading. First, get up and sit properly. Start eating this food I brought to you and after a while, go back and begin reading again. Then, you’ll find interesting to read the whole book. jidhidhico.wordpress.com
13. Wadasheekaysigii halkaas ayuu ku joogaa. Immika, isku day inaad ka jawaabto su’aalahan soo socda ee ku saabsan wada sheekaysigaas. That is the end of the dialogue. Now, try answering the following questions about the dialogue. jidhidhico.wordpress.com
14. 1. Axmed iyo Ayaan maxay isku yihiin? 1. How are Ahmed and Ayan related? 2. Yaa qoray buugga Doolli iyo Dinnad? 2. Who wrote the book Mouse and the Cat? 3. Adoo u eegaya Axmed, sidee buu buuggani ku dhamaadaa? 3. According to Ahmed, how does this book end? jidhidhico.wordpress.com
15. 4. Ayaan ma jiifka ayey wax ku akhrisanaysay intaanu Axmed kac ku odhan? 4. Was Ayan lying down as she read before Ahmed told her to get up? 5. Aragtidaada, ma kula tahay in ay Ayaan akhriska buugga dhammayn doonto? Sababma? 5. In your opinion, do you think Ayan will finish reading the book? Why or why not? jidhidhico.wordpress.com
16. Akhriska iyo Caajisku isma GayaanReading and Laziness are Incompatible Idiris M. Cali jidhidhico.wordpress.com