Weitere ähnliche Inhalte
Mehr von Centerpartiet (20)
Valmanifest kotvers somali
- 1. MUSTAQBALKA WAXAA
ISKA LEH KUWA
DHIIRADA
Shaqooyin badan oo shirkado cusub oo sii koraaya, dib u soo
nooleysiinta daryeelka iyo deegaan fiican
Qoraal kooban oo ah arimaha Xisbiga Centrepartiet ugu muhiimsan doorashada 19
sibtambar 2010
1
- 2. Waxyaalaha ugu mihiimsan Xisbiga Centrepartiet mudada uu xilka hayey ee 2010-
2014
• Bay’ad ka fiican oo shirkadaha ah – shaqooyin badan oo dhamaan Iswiidhan ah
• Burburinta darbiga carqalada ah – shaqooyin badan oo dhalinyarada ah
• Cashuur dhimis badan oo loo sameeyo adeegyada lagu sameeyo guriga (RUT) – xoriyada
dookha ee daryeelka
• Jidad xirfada oo dheeraad ah oo dumarka
• Hogaanka dunida u ah cuntada iyo tamarta cagaaran
• In loo qorsheeyo lacag dhiirigalin ah oo baabuurta-fiican ee cagaaran
Shaqooyin badan oo shirkado cusub oo sii koraaya
• Shirkado badan waa iney ku dhiiran karaan iney qaataan shaqaale cusub. In la daayo
tabaruca la dhimey ee carruurta yaryar. Dhimista tabaruca shaqo bixiyaha iyo tabaruca
shakhsiga bixiyo marka uu dhaqaaluhu inoo saamaxo.
• Badhista cashuurta dulsaarka (Moms) ee adeegyada ee ka jabneysiinaysa in dibada wax
laga cuno timahana la jarto.
• Waxaynu u baahan nahey shirkado badan oo daryeelka ah – taasi waxay siineysaa
dumarka xoriyad badan.
• Horumarinta cashuur dhimista adeegyada guryaha (RUT) iyo hirgalinta cashuur
dhimista adeegyada IT-ga (RIT).
• Sii wadida dhimista cashuurta dadhliga shaqada marka uu dhaqaaluhu saamaxo.
• La dagaalanka shaqo la’aanta dhalinyarada – burburinta darbiga carqalada ah ee suuqa
shaqada.
• Siinaaya shirkadaha yaryar ee in 10 qof ka yar shaqaaleysiiya ka-dhaafida/cafis amarka
sharciga kala horeysiinta ee Xeerka Ilaalinta Shaqaaleynta ee Iswiidhan.
• Kordhinta fursada xirfadaha ee dumarka iyadoo la siinaayo fursado ka badan ee
gadashada daryeelka gaarka loo leeyahey iyo fursadaha daryeelka carruurta oo tiro
badan.
• Iswiidhan waxay u baahan tahey koritaan wadankoo dhan ah. Horumarinta meelaha
miyiga iyo magaalooyinkaba.
• Abuurida shaqooyin cusub ee miyiga iyadoo Iswiidhan laga dhigaayo wadanka cusub ee
cuntada Yurub.
Dib u soo noolaysiinta daryeelka iyadoo xoriyad badan la siinaayo dookha
• Dhiiri galinta horumarinta ardeyda iyo dugsiyada guusha badan iyadoo la raacaayo habka
abaalmarinta guusha ee SEK 1 bilyan.
• Kobcinta xuquuqda ardeyda – hirgalinta sharciga dugsiga ee ku amreysa in dadku ka soo
dacwoodo xaaladaha xunxun.
2
- 3. • Kobcinta tayada waxbarashada dadka waaweyn iyo tabobarka aqoonta sare.
• U deynta lacagta daryeelka carruurta iyo siinta dhamaan dadka waaweyn iyo
curyaamiinta xuquuqda ay ku dooraneyaa daryeelkooda iyadoo waajib laga dhigaayo
Xeerka Habka Doorashada ee Laamaha Dawlada (LOV).
• Kordhinta ka goosashada “RUT” ilaa 75% ee dadka 75 jir ah ama ka weyn.
• Dhamaan hawlgabyadu waa iney heli karaan “kaadhka F-ta”.
• Siinta dhamaan lamaanaha da’da weyn ee guryeynta u baahan fursada ay ku wada
dagenaaneyaan.
• Dib u soo nooleysiinta habka caafimaadka iyadoo la siinaayo ismaamul iyo xoriyad
bukaan socodka.
• Xoojinta sharciyada ku lidka-cunsuriyadda, marka lagu daro curyaamiinta.
• Hirgalinta xoriyada doorashada ee cuntada dadka waaweyn iyo kuwa bukaanka ah.
Siyaayada deegaanka ee aduunka ugu hamiga weyn
• U adeegsiga carqaladaha deegaanka iyo cimilada si ay u noqoto mid suuro galisa
koritaanka cagaaran.
• Iswiidhan waa inay ahaato u ololeeyaha caalamiga ah ee isbedelka cagaaran.
• Toban sono gudahood, kala badh tamarta Iswiidhan waa iney ka timaado waxyaalaha dib
looga faa’iidaysto.
• Dejinta qorsheha qaranka ee gaasta-bayoloojiga ah iyo taageerada qaranka ee tamarta
cadceeda.
• Kordhinta hamiga sida hufan uga faa’iidaysiga tamarta, tusaale ahaan isticmaalka
shahaadahda cad ee korontada.
• Dabo galida dhimida qaaca, een aheyn dabogalka dadka baabuurta wata. Hirgalinta
baabuurta-fiican ee cagaaran lacag dhiirigalin ah si loo soo saaro baabuur badan oo qaac
yar bixiya.
• Dhimista qaaca nitrojiinta – ka dhig bada Baltiga iyo Bada Waqooyi mid ka sii nadiifsan.
• Kayn waarta iyadoo dadka dhulka leh lagu wacyi galinaayo dhawrista deegaanka.
• Xadidaaya baahida kimikooyinka iyo bay’ad aan sun laheyn. Mamnuucida birta
meerkurida ee Midowga Yurub (EU).
• Dhismaha magaalooyinka cagaaran ee waara.
3